WASIIRKA WARFAAFINTA OO MAANTA BOGAADIN UGU TEGAY HOBOLLADA QARANKA EE WAABERI

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo maanta kormeer ku tegay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa hambalyo iyo bogaadin u jeediyey Hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi oo door weyn ka qaatay dagaalka diblomaasiyadeed ee Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay uga hortegayaan faragelinta gardarrada ah ee dowladda Imaaraadka Carabta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in mid kamid ah heesihii ugu dambeeyey ee Kooxda Waaberi ay toddobaadkaan aad ugu faaftay dunida Carabta, taas oo kooxdu ay ku muujisay dhagarta dowladda Imaaraadku ay ku hayso dalalka nugul ee Islaamka, sida Soomaaliya, Libya, Yemen iyo Sudan.

Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure ayaa Wasiir Cabdifitaax Qaasim uga mahadceliyey sida uu u dhiirrigelinayo fannaaniinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, si ay u sii xoojiyaan doorkooda soo saaridda murti lagu difaaco dalka, kana qeyb qaadata midnimadda umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa xusay in heesaha, gabayada iyo farriimaha guubaadada ah ee Hobollada Qaranka ee Waaberi ay door weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada, kobcinta waddaniyadda iyo ku dhiirrigelinta muwaadiniinta ee jacaylka dalkooda.FB_IMG_1795345490349.jpgFB_IMG_1795345486073.jpgFB_IMG_1795345475002.jpg

 

FB_IMG_1795345471285.jpgFB_IMG_1795345466942.jpg