Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta kulan laba-geesood ah magaalada Saint Petersburg kula yeeshay Wasiirka Dhaqanka Federaalka Ruushka Marwo Olga Lyubimova.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Ruushka ee dhinacyada dhaqanka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay ilaalinta iyo horumarinta hidde-dhaqameedka, farshaxanka, suugaanta, tiyaatarrada, cilmi-baarista, is-dhaafsiga khubarada, fanaaniinta iyo horumarinta xarumaha dhaqanka.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta is-afgaradka iskaashiga dhaqanka ee labada dal iyo hirgelinta barnaamijyo iyo mashaariic wax ku-ool ah oo ka qeyb qaadanaya horumarinta dhaqanka.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso dhaqanka iyo farshaxanka, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee dhaqanku ku leeyahay ilaalinta aqoonsiga qaranka, isku-xirka bulshada iyo xoojinta xiriirka shacabka labada dal.
Wasiir Olga Lyubimova ayaa dhankeeda muujisay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka hay’adaha dhaqanka ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyadoo ballanqaadday in la sii xoojin doono wada-shaqeynta labada dhinac iyo taageerada.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada Wasiirka ee uu la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta ka qeybgalaya Madasha 12-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay oo sanadkan lagu qabtay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.







