Xilli maanta dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Ka Hortagga Hadallada Nacaybka, ayaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya lagu qabtay munaasabad lagu xusayay maalintan muhiimka ah.
Munaasabadda oo uu ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa diiradda lagu saaray khatarta hadallada naceybka ah ay ku leeyihiin nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarka dalka, iyo muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hortago.
Wasiirka ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, warbaahinta, bulshada rayidka ah, culimada, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed si looga hortago hadallada naceybka ah, loona dhiirrigeliyo dhaqanka wada noolaanshaha, is-ixtiraamka iyo midnimada bulshada.
Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay in ka hortagga hadallada naceybka ahi uu yahay mas’uuliyad wadajir ah oo u baahan wacyigelin joogto ah, sharciyeyn ku habboon iyo iskaashi ballaaran si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Warbaahinta, hal abuurayaasha Fanka, farshaxanka, Dadka saameynta ku leh Warbaahinta iyo indheer garadka bulshada ayuu u jeediyay in ay qaataan kaalin mug leh oo lagu xoojinayo codka nabadda, midnimadda ummadda iyo yaraynta naceybka ku dhisan qabyaaladda, isir iyo jinsi faquuqa.







