Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Shiinaha ayaa kormeeray xarumaha Wax soo saarka Warbaahinta iyo fanka qaarkood ee magaalada Beijing, gaar ahaanna kuwooda ugu waaweyn.
Wasiir Cabdifitaax ayaa si gaar ah u daneynayey ogaanshaha tayada iyo Wax soo saarka qalab ee la xiriira dhinacyada Warbaahinta iyo Fanka oo hada ah baahida ugu weyn ee ay casriyeynteeda Soomaaliya u diyaarsan tahay.
Intii uu ku guda jiray kormeerkiisa Wasiirka waxaa uu si gaar ah waqti u geliyey qalabyadii ugu dambeeyey ee lasoo saaray iyo aaladaha ay ku shaqeeyaan, kuwaasi oo hadda Wasiirku doonayo in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu casriyeeyo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed iyo fanaaniinta Hoballada Qaranka ee Waaberi.

