Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiisyadii ay Qaahira ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa sheegay in Masar ay Soomaaliya ka ballan qaadday garab istaag dhan walba ah, isagoo tilmaamay inuu iskaashiga iyo wax wada qabsida labada dal uu ka horeeyay xornimadii Soomaaliya.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Masar ay ugu deeqi doonto waxbarasho bilaash ah oo loo fidinayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, iyadoo labada dalba ay isdhaafsan doonaan cilmi barisyo ay samaynayaan quburo ka kala socota labada dal.

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Masar, Dr. Nevin Al-Kilani  ayaa dhankeeda sheegtay in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah ay labada dhinac isku dhaafsan doonaan ka qaybgalka xafladaha fanka ee labada dal oo ay ka mid yihiin masraxa, sheeko-xariirooyinka iyo bandhigyada  hiddaha  iyo masraxa carruurta.

Dr. Nevin waxay intaas ku dartay in  labada dhinac ay isweydaarsan doonaan bandhig faneedka, farshaxannada hiddaha iyo dhaqanka ah, iyo sidoo kale booqashooyin ay isdhaafsandoonaan  kooxaha fanka ee dhinacyada masraxa, muusiga, heesaha iyo fanka hiddaha iyo dhaqanka iyo ka qaybgalka fagaarayaasha, shirarka iyo siminaarrada la xiriira dhaqanka iyo aqoonta ee ay wada qabtaan labada dal.

Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeysay in ay jiri doonaan booqashooyin ay is weydaarsanayaan kooxaha ka shaqeeya arrimaha Aflaamta iyo ka qaybgalka xafladaha ee labada dal ay sameeyaan.

Sida ku cad heshiiskan  is-afgaradka ah, dhinaca Masar waxay soo dhawaynaysaa marti-qaadka dhinaca Soomaaliya ee ka qaybgalka bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Qaahira, oo la qabto bisha January ee sannad kasta, iyo “ Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Carruurta oo la qabto bisha June, sannad kasta iyo sidoo kale Bandhigga  buugaagta Alexandria oo la qabto bisha August ee sannad kasta.

heshiiskaan waxay  labada dhinac is dhaafsan doonaan toddobaadyo dhaqameed ay ku jiraan dhammaan howlaha dhaqanka ee labada waddan si ay u faafiyaan dhaqankooda.

Dr. Nevin Al-Kilani waxa ay sharraxday in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah, labada dhinac ay dhiirigelinayaan in suugaanta af-soomaaliga loo turjumo oo Carabi laga dhigo lana daabaco, iyadoo loo sii marinayo xarunta qaran ee turjumaada wasaaradda dhaqanka Masar.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada tirsan Ururka jaamacadda Carabta ayaa leh xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, waxanay Qaahira safka hore kaga jirtaa waddamada dowladaha sida weyn u garab istaaga Soomaaliya.