Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diray tartamayaasha magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee sanadkan uu ahaa mid aad u xiisa badan, wuxuu hambalyo u diray tartamayaasha degmada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kaalinta koowaad ka galay tartanka iyo tartamayaasha degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo galay kaalinta labaad.

“Waxan hambalyo hawada u marinayaa magaalada Dhusamareeb oo ku guuleysatey tartan aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee warbaahinta qaranka. Waxan iyaguna hambalyo u dirayaa magaalada Gaalkacyo oo kaalinta 2aad gashey iyo dhammaan degaannadii ka qeybgaley tartankan xiisaha leh ee dhalinyarada ku soo bandhigeen aqoontooda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa tilmaamay in tartankani  tusaale u yahay is dhaxgalka bulshada.

“Tartankan wuxuu tusaale u yahay biseylka iyo is-dhexgalka bulshada Soomaaliyeed, iyo in la abuuro jawi ay dhalinyarada wanaagga ka wada shaqeeyaan.

Wasiir Daa’uud wuxuu ugu dambeyn bogaadiyay hawlwadeenada wasaaradda ee sida wanaagsan isugu dubba riday tartanka intii uu socday.

“Waxaa sidoo kale amaan mudan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo dadaal weyn u galey diyaarinta, iskudubaridka iyo hirgelinta tartankan xiisaha leh. Mar kale waxan idin leeyahay Ramadan Mubarak iyo Ciid Wanaagsan”