Wasiirka Warfaafinta oo gaaray Qaahira oo uu uga qaybgalayo shir muhiim ah

Qaahira: Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka 55-aad ee golaha wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u jooga dalkaas, mudane Cali Cabdi Awaare.