Wasiirka Warfaafinta oo furay Aqoon isweydaarsi ku saabsan dardar gelinta shaqada wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay Aqoon isweydaarsi uu heerkiisu sarreeyo kana qayb galeen waaxaha maamulka wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saarayo dardar gelinta shaqada wasaaradda.

Wasiir Daa’uud oo is dul taagay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta qaybaha ayaa sheegay in Wasaaraddu ay leedahay siyaasad ay ku shaqayso, loogana baahan yahay in ay yeelato sumaddii Qaranka, war ka kasta oo baxayana uu noqdaa mid saamayn ku yeelanaya dalka guud ahaantiis ama uu ahaado mid wax ku kordhinaya shacabka.

Wuxuu sidoo kale ku dheeraaday Wasiirku ahmiyadda hal-abuurenimo ee laga doonayo wariyaha, dhiraan-dhirinta sugnaashaha xogta, habka wax qorista iyo doorka uu ku leeyahay tifaftirka, si uu u qaato mas’uuliyadda.

“Marka ugu horreyso waa inaad maskaxda ku haysaa warka aad soo dhigeyso Meesha in ay tahay warbaahintii Qaranka, waa inay ahaataa warbixin ama war si wanaagsan loo soo tifaftiray, laga soo billaabo qorista luqadda, habka loo qoro iyo inuu tifaftirku u dhamaystiran yahay”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu dambayn sheegay in caqabadaha jira ee dhinaca warbaahinta ay tahay in looga bixi karo dhabar adayg iyo hufnaan, maaddaama aynu ku jirno soo kabasho.