Dowladda Soomaaliya waxay bilowga sanadka Hijriga ah fasaxday shaqaalaha, si loo muujiyo ahmiyadiisa
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Sannadka Cusub ee Hijriga 1448 u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.
Wasiirka ayaa Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed in sannadkan cusub uu u noqdo mid ay ku naaloodaan nabad, xasillooni, midnimo iyo horumar, isla markaana uu dalka Soomaaliya u horseedo barwaaqo iyo guulo waara

