Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Taliska AMISOM ee Magaalada Baraawe.

Baraawe- Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan Maamulka Degmada iyo Taliyeyaasha ciidamada ayaa kulan la qaatay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Magaalada Baraawe, Colonel Jonathan OChom.

Waxayna kawada hadleyn xoojinta wada shaqeynta iyo dardar gelinta howlaha lagu sugayo Amniga Magaalada Baraawe.

Taliyeyaasha ciidamada iyo Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Baraawe ayaa Wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoo sheegay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa ugu hambalyeeyay Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM, Colonel Jonathan OChom xilka culus ee loo magacaabay, waxuna ugu mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajahan inj lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed.