Wasiirka Warfaafinta ee XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay wefdi ballaaran oo ka socda dowladda Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wefdi ballaran oo ka socda dowladda Jabuuti.

Wefdiga ka socda Dowladda Jabuuti ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Dhalinyarada hiddaha iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti, Marwo Hibo Muumin Casawe oo ay wehlinayaan, Agaasimaha wadamada Carabta ee dowladda Jabuuti Maxamed Ducaale iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Jabuuti.

Saraakiil ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Wefdiga maanta soo gaaray Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa leh xiriir walaalnimo oo soo jireen ah, waxaana cilaaqaadkaasi uu soo socday muddo ku dhow nus qarni.

Wasiirka Dhalinyarada hiddaha iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Dalka Jabuuti, Marwo Hibo Muumin Casawe oo hoggaamineysa wefdiga yimid Muqdisho ayaa lagu wado inay kulan la yeelato wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee XFS Mudane Daa’uud Aweys, iyadoo labada mas’uul wado inay ka wada hadlaan iskaashiga iyo horumarka xagga Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.