Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aways Jaamac, ayaa kulan kula yeeshay xafiiskiisa mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure, Maareeye Ku-Xigeenka Tiyaatarka, Abwaan Maki Xaaji Banaadir, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Ismaaciil Cumar Muqtaar, Agaasimaha SNTV Maxamedkaafi Abuukar Maxamed, iyo Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdifatah Daahir Jayte.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay intii lagu guda jiray munaasabaddii xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirkii Carta.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ammaanay fannaaniinta Qaranka ee kooxda Waaberi iyo qaybaha kale ee bahda fanka bandhigyadii ay ku muujiyeen shirkii Carta iyo Munaasabadii ka dhacay magaalada Jabuuti.

Sidoo kale, wuxuu Wasiirku tilmaamay in Warbaahinta Qaranka iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay ba ay muujiyeen dadaal muuqda oo lagu xusuusan doono intii lagu guda jiray xuska shirkii Carta.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys ayaa ku booriyay qeybaha fanka iyo warbaahinta inay sii laban laabaan dadaalkooda, ayna door muuqda ka qaataan hawlaha qaran ee ay ka mid yihiin dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta, doorashooyinka iyo hannaanka dowlad dhiska dalka.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa door muhiim ah ka qaadatay qabanqaabada iyo hirgelinta xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirkii Carta, oo ahaa aasaaska dhismaha Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.