Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro xarunta safaaradda ee Magaaladda Muqdisho, waxaana ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga Warbaahinta , Wacyihalinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta muuqata ee uu ku leeyihiin soo kabashada iyo horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijyada lagu taageerayo warbaahinta, Dhaqanka iyo hal-abuurka Dhalinyarada, ka hortaga tahriibka iyo la dagaalanka been abuurka iyo xagjirnimada

Labada dhinac ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarinta iskaashiga dhinaca wacyigelinta bulshada ee la xiriira amniga, doorashooyinka, xasilinta, iyo la dagaalanka xagjirnimada, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta warbaahinta si loo gaaro wacyi bulsho oo mideysan.

Danjire Francesca Di Mauro Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhinaceeda hoosta ka xariiqday ahmiyadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska maadaama Midowga Yurub uu yahay mid ka mid ah saaxiibadsa ugu xooggam ee taageera dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

Wasiir Daa’uud ayaa muujiyay ka go’naanta Wasaaradda ee ku aaddan ballaarinta iskaashiga Midowga Yurub, gaar ahaan barnaamijyada lagu kobcinaayo xirfadaha suxufiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda, iyo kor u qaadidda dhaqanka iyada oo loo marayo dhiiragalinta dhalinyarada, horumarinta dalxiiska Soomaaliya oo ay door fiican ka qaadan karaan.