Wasiirka Warfaafinta “Dadka wararka been abuurka ah tabinaya sharciga ayaa la horgeyn doonaa”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdiftaax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in dadka wararka been abuurka ah tabinaya sharciga la horgeyn doono, maxkamad la saaro, isla markaana si toos ah loola xisaabtamayo.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in ay war fidiyeennadu iska xaqiijiyaan waxa ay baahinayaan dhab ahaanshiyahooda, isla markaana la qiimeeyo qofka wax soo dhigay waxa uu yahay iyo waxa uu ka shaqeeyo, isagoo xusay in dadka aragtiyada qaldan ka dhiibta ay ka fekeraan dhibaada uu mujtamaca u leeyahay waxa ay sii faafinayaan.

“Dadka wararka been abuurka ah tabinaya, qofkaasi waa in si toos ah loola xisaabtamo, hadduu gudaha dalka joogana in Maxkamad la saaro, uu sharciga maro, xeer ilaalinta la marsiiyo ” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la kala saaro dadka wararka fidiya lana marsiiyo habraaca warbaahinta oo haatanba horyaalla golaha Wasiirrada, wuxuuna xusay in loo kala qaadi doonno yaa wariye ah, yaa Youtuber ah, yaa Tiktoker ah, si loo kala garto qof waliba shaqadiisa, mar dambana aysan dhici doonin in shaqsi walba iska furto page soona dhigo waxa uu doono.

Ugu dambayn, Wasiir Qaasim ayaa ku celiyay in ay la xisaabtami doonaan cid kasta oo si qaldan u isticmaasho baraha bulshada ama dhibaato ku geysata , wuxuuna sheegay in aysan dalkan ka shaqayn doonin in aaladaha warbaahinta dadka lagu waxyeelleeyo ama bulsho lagu kiciyo, haddii ay isku dayaanna ay sharciga la tiigsan doonaan.