Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in 600 oo xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo kuwo waxbarasho la siin doono adeeg koronto oo wax ku ool ah.
Wasiirka ayaa xusay in haatan ay gacanta ku hayaan abaabulka mashruuc koronto oo laga hirgalinaayo gudaha dalka,gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo kuwa waxbarashada,kuwaas oo loogu talagalay in ay shaqeeyaan har iyo habeen.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo ka hadkay adeegga korontada iyo kuwa biyaha ee ka jira gudaha dalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wadaan dadaal la doonayo in lagu qalabeeyo shirkadaha qabilsan bixinta adeegyada bulshada,si ayuu yiri wasiir Bidhaan loo helo sicir jaban

