Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha oo qaabilay madaxa UNICEF

Wasiirka wsaaradda tamarta iyo khyeraad ka Biyaha XFS Xildhibaan Cabdullahi Bidhan ayaa kulan labba geesood ah xafiiskiisa kula yeeshay madaxa hayadda (UNICEF) Marwo Wafaa Saciid.

Wasiirka tamarta iyo madaxa hay’adda UNICEF ayaa ka wada hadlay arimaha mudnaanta u leh horumarinta khayraadka biyaha, qorshaha Qaran ee la dagaalanka saamaynta abaarahu ku yeeshaan reer guuraaga iyo sidii loo xoojin lahaa u adkeysiga dadka ee saamaynta ka dhalata hubanti la’aanta cimilada.

Madaxa hay’adda (UNICEF) Marwo Wafaa Saeed ayaa Bogaadisay shaqada Wasaaraddu hayso, iyadoo sheegtay inay diyaar u yihiin xoojinta iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradda tamarta XFS.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Kheyraadka XFS Xildhibaan Cabdullahi Bidhan ayaa muujiyay dadaalada ay Wasaaraddu ku bixineyso in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Hayadda UNICEF, si wax looga qabto caqabadaha la xiriira Biyaha.