Wasiirka Shaqada XFS oo Masar kaga qeyb galaya shirka horumarinta Shaqada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar si uu uga qeyb galo shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, wuxuuna sidoo kale sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Masar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska (ILO Cairo) ee Dalka Masar si ay uga wada hadlaan arrimaha iskaashiga.

Ugu dambeyn, Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo gaaro danaha horumarineed ee Bulshada Soomaaliyeed.