Wasiirka shaqada oo shir caalami ah uga qaybgalay Algeria

Algiers: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Yusuf Mohamed ayaa ka qayb galay Madasha Afaraad ee Carabta ee Sinaanta (4th Arab Forum for Equality), oo lagu qabtay magaalada Algiers ee dalka Algeria.

Madashan oo socon doonto muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa doorka sinaanta bulshada ee la xiriira arrimaha shaqada, adeegyada bulshada, iyo ilaalinta dadka nugul, iyada oo laga eegayo saameynta ay xasaradaha siyaasadeed iyo colaadaha joogtada ahi ku yeeshaan sinnaan la’aanta dalalka Carabta.

Wasiir Yuusuf ayaa ka qaybgalay dood cilmiyeed heer sare ah oo cinwaankeedu yahay (Innovative Solutions for Social Protection). Wuxuu sharaxaad ka bixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay kor u qaadista xuquuqda dadka nugul iyadoo hormarisay siyaasada diiwaanka midaysan ee (Unified Social Registry and Social Protection Delivery System), iyo dadaallada lagu yareynayo sinaan la’aanta bulshada. Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin la taaban karo oo ay ka mid yihiin hirgelinta siyaasado ay bulshada u siman tahay iyo xoojinta helitaanka adeegyada shaqo ee loo dhan yahay.

Madasha 4-aad ee Sinaanta waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Shaqada ee dalka Algeria iyo Guddiga Horumarinta Bulshada iyo dhaqaalaha ee Galbeedka Aasiya (Economic and Social Commission for Western Asia Committee), waxaana ka soo qeyb galay madax sare oo ka kala socday dalalka Carabta, khubaro, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kala duwan.

Ka qeyb galka Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya ayaa muujinaya sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qayb qaadashada doodaha heer caalami ee ku saabsan horumarinta bulshada, caddaaladda iyo sinnaanta.