Wasiirka shaqada oo daahfuray kulan looga hadlayay hirgalinta siyaasadda arrimaha bulshada

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada XFS  Soomaaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta daahfuray kulan weyne looga hadlayay hirgalinta siyaasadda arrimaha bulshada .

Kulanka oo ka qeyb galeen xubno ka socday Dowlad-gobolleedyada Dalka, gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa socon doona  muddo labo maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doonaa  xoojinta ka shaqeynta arimaha bulshada ee hay’adaha Dowladda iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya ku gaarisiin lahayd dadka adeegyada arrimaha bulshada ee lagu taageerayo muwaaddiniinta nugul ee garab istaagga u baahan.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya oo ka hadlay  muhiimadda kulankan ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan sidii ay Dowladda dhexe maamul goboleedyadu awood ugu yeelan lahaayeen fulinta adeegyada iyo mashaariicda ay hay’aduhu bixiyaan.

“ Kulankan wuxuu innoo yahay mid taariikhi ah waxaana ka hadlaynaa Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada sidii aan awood ugu yeelan lahayn fulinta adeegyada iyo mashaariicda bulshada ee ay hay’aduhu bixiyaan, si aynu halkaas u gaarno waa inaan annagu noqonnaa kuwa leh dhammaan awoodda loo baahan yahay” ayuu yiri Wasiir Abdiwahaab.

kulankaan ayaa muhiimad weyn ugu fadhiya dadka Soomaaliyeed maaddaama looga hadlayo sidii Dawladda Soomaaliya ay ula wareegi lahayd dhammaan fulinta adeegyada lagu taageerayo arimaha bulshada ee ka yimaadda dhanka hay’adaha.