Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Mudane Yusuf Maxamed Adan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay caasimada Algeria, Algeris, Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Xoghayaha joogtada Wasaarada xiriirka arrimaha Bulshadda Iyo qoyska Iyo Haweenka ee Dalka Algeria, Mudane Zahiir Shadhah, iyo Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego),
wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Dalka Algeria uga qeybgali doono Shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta oo ka furmi doono Dalka Algeria