Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda ee XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday hay’ada FAO

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iiman Cigge ayaa kulan miro dhal ah Wasaaradda kula qaatay wafdi ka socday hay’ada FAO.

Wasiirka Iyo wafdga ka socday hay’ada FAO ee soo booqday wasaaradda ayaa ka wada hadlay sidii wada shaqeyn dhaw iyo xariir ay u yeelan lahaayeen Wasaaradda Iyo hay’ada FAO si looga dardar galiyo taakuleynta iyo garab istaaga bulshada Soomaaliyeed ee abaarto aafeysay loogana gudbo waqtigaan adag ee dalka Iyo dadku wajahayo.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu lafa guray wax ka qabashada arimaha Abaaraha, shaqa abuurka iyo hormarinta arimaha bulshada ayadoo haya’ada FAO ay balan qaaday inay kala shaqeyn doonto wasaaradda shaqa abuurka Iyo hormarinta arimaha shaqada.

Wafdiga FAO ayaa waxaa hogaaminayay madaxa Soomaaliya ee hay’adaas Etienne Peterschmitt, waxaana uu sheegay in taageeeradoodu soo dhaqsaneyso.