Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wafdi kasocday Hay’adda IOM

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM), Mudane Maxamed Abdikheer.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ka wada-hadalay sidii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo IOM, ugu wada shaqeyn lahaayeen arrimaha la xiriira xal u helidda caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka jira, horumarinta mashaariicda taageeraya qoysaska nugul, dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

“Waxay muhiimad u leedahay IOM – qorshaha aan dooneyno in lagu gaaro isbeddelada shaqo la’aan ee Dhallinyarada, ka jawaabidda xaaladaha deg degga, taageeridda Dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha . “ayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda IOM, Mudane Maxamed Abdikheer oo boggaadiyay wada shaqaynta iyo dadaallada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka warbixin guud oo la xiriirta howlgalka IOM ee Soomaaliya.

“ Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay inaan xoojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.” ayuu ku daray Maxamed Abdikheer.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka, Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo IOM.