Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo maanta daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada, oo muhiimad u leh Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada.

Xafladda ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada , ayaa waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka, wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka, gobolka Banaadir,ururka la-talinta ee waayeel iyo hay’adda UNICEF.

Wasiir Biixi Iimaan Cige , oo daahfuray munaasabadda ayaa sheegay in manhajka uu awood siinayo fulinta iyo fahanka Siyaasadda ilaalinta bulshada , iyadoo ujeeddaduna tahay in la helo muwaadiniin khibrad u leh Ilaalinta Bulshada (Social Protection).

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay sannadkii 2019-kii Siyaasadda Ilaalinta Bulshada , taa oo lagu gaaray fulinta barnaamijka Qaran ee taageerrada Qoysaska Nugul (Baxnaano) , wuxuu barnaamijkan si degdeg ah uga jawaabay xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay Ayaxa iyo Abaarta.