Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada XFS oo dalka Qatar kula kulmay wasiiradda arrimaha bulshada ee Qatar iyo dalka Sacuudiga

Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kula kulmay dhiggiisa dalka Qatar Mudane Dr. Cali bin Samikh iyo wasiirka horumarinta arrimaha bulshada ee dalka Sacuudiga mudaneĀ  Axmed Bin Suleymaan .

wasiirka ayaa kala hadlay wasiirada Qatar iyo sacuudiga xoojinta xiriirka iyo ka wada shaqaynta arrimaha la xiriira dhinacyada shaqada, horumarinta xirfadaha shaqaalaha iyo is dhaafsiga khibradaha.

Wasiir Biihi ayaa magaalada Dooxa ugu qeyb galaya kalfadhiga 42-aad ee golaha wasiirada Carabta u qaabilsan arrimaha bulshada.