Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo maanta gaaray Ceel Barde

Ceel barde- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta gaaray degmada Ceel Barde ee gobolka Bakool,halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Duqa degmada Ceel Barde,Haadi Siraad Cumar oo ka hadlay soo dhaweynta ayaa  Wasiir Cabdiwahaab uga mahadceliyay dadaalladiisa ka war-qab ee degmada iyo doorarkii uu ka qaatay horumarinta degmada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa dhankiisa ku sheegay socdaalka uu ku soo gaaray degmada Ceel Barde inuu qeyb ka yahay imaatinkiisi is xig xigay ee degmada, si uu ugu kuurgalo xaaladda bulsho iyo deegaan.

Wasiirka ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono , maamulka degmada Ceel barde, waxgaradka ,Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.