Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa si rasmi ah u furay tababarka Barnaamijka Bilow oo Horumari Ganacsigaaga (Start and Improve Your Business – SIYB), kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO).
Tababarkan oo ay ka qaybgalayaan tababarayaal ka socda xarumaha Waxbarashada iyo Tababarka Farsamada Gacanta (TVET) iyo hay’adaha horumarinta ganacsiga, ayaa ujeeddadiisu tahay dhisidda awoodda tababarayaasha si ay u gudbiyaan aqoon iyo xirfado la xiriira hal-abuurka ganacsiga, aasaasidda ganacsiyo cusub iyo horumarinta ganacsiyada jira.
Barnaamijkan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona kobcinta xirfadaha ganacsi, dhiirrigelinta iskaa-u-shaqaysiga, horumarinta ganacsiyada yaryar iyo abuurista fursado shaqo, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed.





