Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daahfuray aqoon-isweydaarsi muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa furay aqoon-is-weydaarsi lagu ansixinayo daraasad ku saabsan caqabadaha iyo diidmooyinka ku xeeran shaqaaleysiinta ku saleysan kartida ee shaqaalaha rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa diiradda lagu saarayaa falanqaynta caqabadaha hortaagan hirgelinta nidaamka shaqaaleysiinta ku saleysan aqoonta, xirfadda iyo kartida, iyo sidii loo xoojin lahaa hufnaanta, caddaaladda iyo daahfurnaanta habraacyada shaqaaleysiinta hay’adaha dowladda.

Daraasaddu waxay muhiim u tahay aqoonsiga caqabadaha jira iyo dejinta talooyin wax-ku-ool ah oo gacan ka geysan kara horumarinta maamulka shaqaalaha rayidka, xaqiijinta fursado shaqo oo loo siman yahay iyo tayeynta adeegyada dowladda.

Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin iyo khubaro ku hawlan maamulka shaqaalaha rayidka, kuwaas oo dib u eegaya natiijooyinka daraasadda, kana qayb qaadanaya ansixinteeda iyo soo-jeedinta talooyin lagu horumarinayo nidaamka shaqaaleysiinta ku saleysan kartida.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay sii waddaa dadaallada lagu horumarinayo maamulka shaqaalaha rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xoogga saaraysa hufnaanta, caddaaladda iyo shaqaaleysiinta ku saleysan aqoonta iyo kartida.