Wasiirka Qoyska oo la kulmay safiirka Sacuudiga

Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta Xaquuqul insaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safaaradda Sacuudiga ayaa ka wada shaqeyn doona mashriic kala duwan, kuwaas oo kala ah; dhismaha xarumo Dugsiga Qur’aanka lagu baro carruurta Soomaaliyeed iyo xarumo lagu taagaerayo haweenka danyarta yar si loo horumariyo xirfaddooda iyo in laga hirgelin doono guud ahaan dalka.

Sidoo kale kulanka ay wada yeesheen Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta xaquul Insaanka XFS, S/ Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac iyo Danjiraha Boqartooyadda Sacuudiga Danjire Mohamed Bin Ahmed ayaa la isku afgartay in iskaashiga labada dal in la xoojiyo isla markaana xiriirka labada dhinac ee Wasaaradaha Qoyska ee dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ay adkeeyso Safaaradda Sacuudiga, si ay isku dhaafsadaan labada dhinac xogaha, Aqoonta iyo kor uqaadista aqoonta howl-wadeennada iyo khuburada Wasaaradaha.

Kulankaan maanta ka dhacay xarunta Safaaradda Sacuudiga Soomaaliya ayaa kusoo dhammaaday in la joogteeyo kulamada iyo dardar-gallinta madhriicda wax-ku-oolka ah, waxaana kulanka qeyb ka ahaa madax ka socotay Wasaaradda iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.