Wasiirka Qoyska oo la kulmay safiirka Midowga Yurub

Wasiirka wasaaradda qoyska iyo horumarinta Xuquuqda Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ayaa kulan mira-dhal ah la yeeshay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Karin Jonsson, waxaana ay ka wada hadleen qodobbo kala duwan oo ku saabsan iskaashiga labada dhinac, horumarinta xaquul insaanka iyo dhinacyada taageeridda Siyaasadda iyo sharciyada xaquuqul Aadanaha.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa soo hadal qaaday xoojinta mashaariicda awoodsiinta haweenka, mudnaanta ilaalinta qoyska iyo carruurta, barnaamijyada Midowga Yurub kala shaqeeyso Wasaaradda in ay ku cadyahiin halbeegyada kala duwan ee Istaraajiyadda horumarinta qorshaha qaranka, kuwaa oo diiradda saaraya Horumarinta daryeelka qoyska, xaquuqul insaanka, awood-dhiska haweenka dhinacyada kala duwan, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, ilaalinta carruurta iyo u qareemidda bulshooyinka danta yar.

Wasiir Bashiir Maxamed Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in ay ka go’antahay xoojinta iskaashiga weyn ee Wasaaradda kala dhexeeyo Midowga Yurub wuxuu hoosta ka xarriiqay in dadaalladda la ballaariyo isla markaana la kordhiyo shaqooyinka ku saabsan horumarinta xuquuqda aadanaha iyo mashaariicda muhiimadda u leh Wasaaradda ee kaalinta ka qaadanayo xasilloonida Soomaaliya oo ay tahay in mudnaanta koowad la siiyo.