Geneva:- Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS, iyadoo kaashaneysa Safaarada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaaladda Geneva ee Dalka Switzerland ayaa waxay kulan doceed gaar ah ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobeey ee magaalada Geneva, kaasoo diiradda lagu saaray hormarka Soomaaliya ay ka sameeysay arrimaha Xuquuqul Insaanka.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay wasiirka qoyska ayaa waxa ka soo qeyb galay dowladdo kala duwan, waxaana si wada jir ah u shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Marwo Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Safiirka Dowlada Ingiirska ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, Danjire Eleanvor Sanders, waxaana kulanka kasoo qeyb galay wadamo badan oo kamid ah xubnaha Golaha Xuuuqul Insaanka QM (UN Human Right Council Members).
Kulankaan waxaa masuuliyiinta ka hadlay ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland, isla markaana ah Ergeyga joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan hay’adaha QM ee fadhigooda yahay magaalada Geneva Danjire Qadra Ducaale, Safiirka UK ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, waxaana shirka inta uu socday la qabtay doodo ku aaddan waxa u qabsoomay Soomaaliya iyo caqabadaha ka hortaagan taasoo ay kaqeyb galeen Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo matalayay bulshada rayidka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska Maxamed Bashiir Cumar iyo Xoghaya koobaad ee Dowlada Ingiriiska Charles Kent.
Guud ahaan kasoo qeyb galayaasha kulanka ayaa soo jeedimo isugu jiray bogaadin iyo weydiimaba la wadaagay ka qeyb galayaasha dooda, waxaana si diiran loo soo dhaweeyay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay.