Wasiirka Qoyska iyo xuquuqul insaanka oo qaabilay wakiilo ka socda UNICEF iyo UNSOM

Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo horumarinta xuquuqul Insaanka dowladda FS sareeye guud Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilo ka kala socday hey’addaha UNICEF iyo UNSOM.

Wasiir Bashiir iyo Wakiilada ka kala socday Hay’addaha UNICEF Marwo Wafaa Sead iyo Marwo Kristin Young oo Horumarinta Xaquuqda Aadamaha u qaabilsan Xafiiska QM Soomaalia UNSOM ayaa kulankooda uga hadlay qodobo ay ka mid yahiin xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradda iyo labada hey’addood, Istaraajiyadda horumarinta wasaaradda, dardar-gelinta howlaha xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo in la adkeeyo xeerarka iyo sharciyada difaaca u ah caruurta (Children Protection Laws & Policy).

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa howlaha kala duwan ee Wasaaradda iyada oo la kaashanaya hay’adda UNICEF iyo xafiiska hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), waxaana kulanka qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda mudane Mahamed Bashiir Cumar, La-taliyaasha Wasaaradda iyo madaxa kale.

Kulankaan ayaa ahaa mid muhiim ah isla markaana xoojinaya wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hey’addaha Unicef iyo UNSOM, waxayna mas’uuliyiintu ku ballameen kulamo kale iyo waxqabad ballaaran oo bulshada loo qabato.