Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdi ballaaran oo ay hogaamineyso ayaa Soomaaliya sanadkaan uga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee Haweenka Aduunka,kaas oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ay ka jeedisay shirka uga hadashay guullaha iyo hormarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Hormarinta Xuquuqul Insaanka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya iyo wafdigeeda ayaa kulammo kala duwan la qaatay madaxdii ka qeybggashay shirkaasi,iyadoo uga warantay dhismaha guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, dib u soo celinta madax bannaanida Xuquuqul Insaanka iyo guud ahaan hormarada ay ku tallaabsadeen haweenka.

