Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo ka qeybgashay kalfadhigga 63 ee Golaha Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa khudbad ka jeedisay Kalfadhiga 63-aad ee Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay oo fadhigisu yahay Magaalada Geneva.

Hadal jeedinta wasiirka ayaa qayb ka ahayd doodda warbixinta xafiiska golaha xuquuqul aadanaha OHCHR ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo Qaraarka 60/28.

Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa xustay in Soomaaliya diyaar u tahay inay hoggaamiso wejiga cusub, gudato waajibaadkeeda, isla markaana si furan ula shaqayso Golaha,iyadoo tilmaantay in Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka uu yeeshay hoggaan iyo xubno, loona baahan yahay in la xoojiyo awooddiisa iyo gaadhistiisa bulshada.

sidoo kale waxay ka hadashay dadaallada lagu horumarinayo xuquuqda haweenka, carruurta iyo qoysaska,taas oo ay ku jiraan ansixinta heshiisyada caalamiga ah ee muhiimka ah ee aysan Soomaaliya weli ku biirin iyo dhammaystirka hindise-sharciyeedyada muhiimka ah.

Wasiirka Qoyska waxay sheegtay in Soomaaliya taageertay 259 ka mid ah talooyinka wareegga afraad ee UPR, isla markaana la isku-duwi doonto dabagalka iyo hirgelintooda.iyadoo ku baaqday in Xafiiska OHCHR ee Muqdisho si buuxda loo howlgeliyo, lana taageero hay’adaha iyo adeegyada ilaalinta.

Soomaaliya waxay ballanqaadday inay u furnaan doonto wada-shaqayn iyo isla-xisaabtan, iyadoo horumarka lagu cabbirayo natiijooyin dadka gaadha.