Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabbilay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka USAID

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah leh, waxaana si qoto dheer loogu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo USAID si loo kordhiyo dadaallada horumarineed.

Labada mas’uul ayaa isla soo qaaday ajendaha kulanka soo socda ee wax-ka beddalka Hiigsiga Horumarinta Tobnaad, kaas oo lagu horumarinayo dhaqaalaha, laguna xoojinayo dedaallada dimuqraadiyadda, maamulka, iyo xasilinta dalka.

Dhinacyada ayaa isla gartay siyaabaha lagu horumarin karo iskaashi dhex mara Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo USAID, iyadoo si gaar ah loo eegay kor u qaadista wada-shaqaynta dhinacyada qorshaynta, kormeerka iyo qiimeynta si loo gaaro natiijooyin horumarineed ee muuqda.