Wasiirka qorsheynta XFS oo la kulmay madaxwayne ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Japan ee (JICA)

Wasiirka Wasaaradda Qorshyenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane  Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena ayaa kulan doceed la qaatay madaxwayne ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Japan ee (JICA) Mudane Nakamura Toshiyuki.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta, hannaanka iskaaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal iyo taageerada JICA ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan deeqaha waxbarasho ee dhalinyarada,dhiirigelinta maalgahsiga (FDI) ee labada dhinac iyo awood dhisidda hay’addaha dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ee ka qeyb galaya shirka Japan iyo Afrika TICAD8 oo haatan ka socdo dalka Tunisia.