Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Qeybya Isku-dubbaridka Mashruuca Biyoole ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Qaranka,Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena oo ay weheliyaan Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, Wasiir ku xigeenka Maxamed Cabdiqaadir Cali iyo  agaasimayaasha, ayaa la kulmay Qaybta Isku-dubbaridka Mashruuca Biyoole, iyada oo warbixin laga siiyay marxaladaha kala duwan uu soo maray Mashruucan, hawlaha socda, iyo sidoo kale waaritanka mashruuc a. warbixinnada joogtada ah ee loo jeedinayo madaxda cusub ee Wasaaradda waxey  qeyb ka tahay dar-dargalinta shaqooyinka kala duwan ee socda.