Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire Karin Johansson, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay iswaafajinta barnaamijyada muhiimka ah ee socda iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Danjire Karin doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah muddadii ay xilka haysay.