wasiirka qorshaynta XFS oo kulan la qaatay safiirka dalka Swedan u fadhiya Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beene-beene) ayaa maanta kulan la qaatay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane, Per Lindgarde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa Istaraatiijiyadda dowladda Sweden ay ku taageereeyso Soomaaliya lana waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-9. Sidoo kale, intii kulanku uu socday waxa ay labada dhinac isla meel dhigeen in mashaariicda kala duwan ee dalkeenna lagu taageero lagu salleeyo waxyaabaha mudnaanta u leh dalkeenna Soomaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud iyo danjiraha Dalka Sweden ayaa hoosta ka xarriiqay in mashaariicda kala duwan ee ay qor