Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Mohamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Cilmiga Dhulka iyo Tamarta (IMAGE) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Houston ee dalka Mareykanka.
Shirkan caalamiga ah ayaa isu keenay khubaro, ganacsato, iyo madax ka socota shirkadaha waaweyn ee tamarta iyo shidaalka, iyadoo Soomaaliya ay si gaar ah ugu soo bandhigtay fursadaha ballaaran ee maalgashiga ku jira batroolka iyo gaaska dabiiciga ah.
Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashi iyo maalgashi hufan oo caalami ah, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay daah-furnaanta, isla xisaabtanka, iyo dhiirrigelinta maalgashi waara si loo abuuro fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur ballaaran oo shacabka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan.
Kulamo gaar ah oo dhinaca shirweynaha ah ayaa Wasiirka iyo wafdigiisa ay la yeesheen madax ka tirsan shirkado Maraykan ah oo ku takhasusay batroolka iyo gaaska, kuwaas oo lagu gorfeeyay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ganacsi iyo farsamo ee Soomaaliya iyo shirkadahaas.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa mar kale ku celisay in Soomaaliya ay tahay dal leh kheyraad dabiici ah oo badan, isla markaana ay furan yihiin dhammaan fursadaha maalgashi ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.