Wasiirka Maaliyadda XFS oo shirar muhiim ah kula yeeshay madax kala duwan magaalada Washington DC

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington Dc, kana qayb galaya kulanka Gu’ga sanadlaha ah ee ay sida wadajirka ah u wabanayaan Bangiga Adduunka iyo IMF ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay madaxda IMF, Bangiga Adduunka iyo xubno sare oo ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka.
𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha fulinta howlgalada Bangiga Adduunka Marwo. Anna Bjerde iyo xubno sare oo ka tirsan xafiiskeeda, kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee Bangigu uu kuleeyahay fulinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya iyo sidii loo dar-dar galinlahaa howlgalada mudnaanta gaarka ah leh ee ay ugu hereyao helidda maalgalinta ilaha soosaarka dhaqaalaha.

𝐈𝐌𝐅:Kulankaan oo si guul ah ku soo dhamaaday ayaa Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee Washington jooga waxa ay la yeesheen Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe Mr. Jihad Azour iyo kooxdiisa la shaqeysa, kulanka ayaa diiradda lagu saaray fursadaha maalgalineyd ee ay aad ka u danaynayso Dowladda Soomaaliya iyo caqabadaha jira marka loo eego hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa tilmaamay in hada Dowladda Soomaaliya ay heer aad u sareeya gaarsiisay horumarinta Dakhliga, maamul-wanaaga maaliyadda iyo ku dhaqmidda shuruucda Maaliyadda iyada oo la abuurayo fursado muhiim ah oo shaqooyinku ay ka mid yihiin.

𝐔𝐒𝐀 kukanka oo uu goobjoog ahaa ku xigeenka kaaliyaha Afrika ee Wasaaradda Maaliyadda USA Mr. Eric Meyer ayaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dib-u-habeynta dhaqaalaha ee ay IMF taageerto ee ka socda Soomaaliya, sare u qaadidda dhaqaalaha guud iyo dib-u-habeynta shirlka Soomaaliga ah. Sidoo kale kulanka ayaa looga wadahadlay sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagidda lacag-dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada.

Dhinaca kale waxaa sidoo kale si guul ah ku soo gabagaboobay kulan ay wada yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo ku xigeenka kaaliyaha arrimaha dibadda ee Afrika Mr. Vincent Spera, shirka ayaa intii uu socday waxaa looga wadahadlay howlgalada ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya ku soo duushay iyo sidii Dowladda Mareykanka ay u sii balaarin laheyd taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya.