Wasiirka maaliyadda XFS oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka maaliyadda XFS Dr; C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelman.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa waxay ka wada hadleen isbeddalka dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda oo ka hadlay kulanka uu la qaatay Safiirka midowga Yurub ayaa sheegay in midowga yurub yihiin saaxiibbo muhiim u ah horumarinta Dalka iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaliya.