Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay Madax ka Socotay Safaarada dowladda Libya

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta la kulmay safiirka wadanka  Libya ee Somaaliya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxa ayna kawada hadleeyn arrimha dhaqaalaha iyo Deyn Cafinta Soomaaliya madama Libya ay kamid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.

“Waxaan maanta la kulmey safiirka wadanka Libya Yusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna uqaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya, waxaan ka wada hadalney arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee nagu leh deynta”Ayuu yiri Wasiir Beileh.