Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Dr. Cilmi Mohamoud Nuur ayaa maanta khudbad xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dala Soomaaliya iyo arrimo kale ka jeediyay fadhiga 31-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabtay Wadanka Algeria, caasimaddiisa Algiers.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Mohamoud Nur ayaa diiradda ku saaray hadal-jeedintiisii marxaladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Maaliyadda, dhameystirka deyn-cafinta iyo taageerada Wadamada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya.
Shirka Waxaa GoobJoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria Mudane Cabdulwahaab Macalim Maxamed iyo Safiirka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta/ ahna Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Mudane ILyaas Shiikh Cumar.