Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixiyay kulan xalay Ra”iisul Wasaaraha uu la qaatay ganacsatada

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Iimaan Biixi Cige oo ka warbixiyey kulankii uu caawa Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre la yeeshay ganacsatada, ayaa sheegay in lagu heshiiyay tabashooyinkii ay soo jeediyeen ganacsatadu in dowladdu ay si deg deg ah u xaliso, iyaguna ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta iibka ee saaran.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in la isku afgartay in cabashadii ay ganacsatadu qabtay ay dowladdu xaliso,ayna kasoo saari doonto go’aanno arintaa lagu xalinayo ganacsatadana looga qaaday culeysyada ay ka cawdeen.

Sidoo kale wasiirka waxa uu tilmaamay in dhammaan waxyaabaha la xariira Maaliyadda la marin doonno hannaanka maaliyadda ee dowladda,canshuurta gadista ayuu wasiirku sheegay in la isku afgartay in dowladda sidii ay u mudeeyasay loo qaado oo aysan waxba iska badalin.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ugu dambeyn ganacsatada ugu baaqay in la shaqeyaan dowladda,bixiyaana canshuurta wixii culeys ahna dowladada ay diyaar u tahay in la xaliyo.