Wasiirka maaliyadda XFS oo ka Turkiga kaga qeyb galay shirka dhammaystirka deyn cafinta Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda maaliyadda XFS Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qeyb galay shirka dhamaystirka deyn-cafinta ee Soomaaliya iyo Hay’adaha dhaqaalaha caalamka oo ay hoggaan u tahay IMF.

“Waxa aan shirka muddada uu socdo ku lafa-guridoonnaa dib-u-habeynta maaliyadda, iyo shaqooyinka muhiim ka u ah Horumarinta dhaqaalaha dalka oo ay ka mid tahay kobcinta dakhliga gudaha, ayuu yiri Dr; Cilmi Maxamed.

Dr; Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu ay ka go’an tahay ka guul-gaaridda horumarinta maaliyadda oo ku dhisan mustaqbalka wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed