Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka Wasiirada Maaliyadda dalalk Iskaashiga Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Washington ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda dalalka Iskaashiga Geeska Afrik iyo Saaxibada caalamka sida IMF, Midowga Yurub, Bangiga H. Afrika iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan oo qeyb ka ah shirka sanadlaha ah ee la qabto xiliga Guga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa waxaa diiradda lagu saaray dood ku aadan sidii loo xoojin lahaa is dhexgalka dhaqaalaha dalalka geeska Afrika.