Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maalintii Labaad ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (๐๐๐ซi๐๐ ๐ ๐ข๐ง๐๐ง๐๐ข๐๐ฅ ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐ข๐ญ) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.
Shirkan oo maanta lagu soo gabagabeen doono magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco ayaa waxa uu ka qeyb gali doonaa Wasiirka Maaliyadda kulamo guud iyo kuwo gaar ah oo ay ka mid yihiin doodo iyo hadal jeedino ku saabsan wadadii Soomaaliya ee deyn-cafinta oo cashar ku dayasho mudan ay ku tilmaameen dalalka iyo heyโadaha dhaqaalaha Adduunka.
Ka sokoow hadal-jeediyeyaasha muhiimka ah, waxaa sidoo kale uu Wasiirku ka mid noqon doonaa Madasha Doodda sare ee shirka taas oo si gaar ah Dowladda Soomaaliya looga dhageysan doono aragtida, talada iyo qaabka ugu fudud ee loo maareeyo deymaha maadaama Soomaaliya ay noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hannaanka deyn cafinta ka soo gudbay.