Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb gelaya shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray Magaalada Algiers ee Dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta.
wasiirka ayaa Waxaa soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Mudane Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Mudane Cabdulwahab Mocalim Maxamed.