Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qayb galay shirka Bangiga Adduunka iyo IMF

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS 𝐁𝐒𝐒𝐱𝐒 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 π‚π’π πž oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan Boqol dal ayaa kulamo hordhac ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia ee IMF, kaas oo si gaar ah loogu lafa guray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaa kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC, oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhanyahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo doceedyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.