Wasiirka Maaliyadda XFS oo gaaray Paris

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa gaaray Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaas oo uu u tagay dhameystirka iyo wada xaajoodka Wadamada ku bahoobay 𝐍𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 (𝐏𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐂𝐥𝐮𝐛) oo in ka badan hal bilyan ka saamaxay Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ay safarkiisa ku wehliyaan guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Xubno ka mid ah Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa ugu horeyn waxa ay kulan muhiim ah la qaateen madaxda sare ee Hey’adda Horumarinta France ee magaceeda loo soo gaabiyo ‘AFD’ taas oo ka shaqeysa horumarinta Dhaqaalaha Dalalka soo koraya, sidoo kalena ka mid ah Hey’adihii Soomaaliya Deynta ka cafiyay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda laagu saaray isbadalka maaliyadeed ee Soomaaliya ka jira, qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha ee Dowladda Soomaaliya iyo hannaanka maalgalineed ee suuragalka ah, kaas oo mudnaan gaar ah u leh dib-u-habeynta iyo wax soo saarka Soomaaliya.